777 Views

Wada-hadallada Biyo Xireenka Wabige Nile oo markale fashilmay

Wada-hadallada Biyo Xireenka Wabige Nile oo markale fashilmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 11, 2021—Masar, Suudaan iyo Itoobiya ayaa ku guuldareystay inay guul ka gaaraan wadahadalada uu hoggaaminayo Midowga Afrika ee ku saabsan dib u soo celinta khilaafkoodii sanadaha badan ka taagnaa biyo xireenka muranka badan ka taagan yahay ee ay Itoobiya ka dhiseyso Wabiga Niil, sida ay ku dhawaaqeen saddexda dal Axaddii.

Wasiirada arimaha dibada iyo waraabka ee saddexda wadan waxay kulan ku yeesheen khadka tooska markii labaad todobaad gudihiis iyagoo dadaal ugu jira sidii loo heli lahaa hanaan lagu heshiiyey si loo soo koobo wadahadaladooda oo diirada lagu saaray buuxinta iyo ka shaqeynta biyo xireenka Grand Ethiopia Renaissance Dam.

Kulankii Axadda, ayaa lagu guuldareystay in la helo g’aan horay loogu sii wado, wada-hadallada meesha looga saarao kala duwanaanshaha ku saabsan sida loo soo koobo wadahadallada iyo hannaanka ee la xiriira geeddi-socodka gorgortanka,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda ee Masar.

Qaahira iyo Addis Ababa ayaa diiday soo jeedinta Suudaan, wasaaradda arrimaha dibedda ee Masar ayaa sidaas sheegtay.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in Suudaan ay Axaddii diiday soo jeedin ka timid Koonfur Afrika oo ahayd in si gooni gooni ah loola kulmo khubarada AU, iyada oo ku adkaysanaysa in marka hore la ballaariyo doorka khubarada.

Wasiirka Waraabka ee Sudan Yasser Abbas ayaa sheegay in dowladiisu ay ku adkeysaneyso in la kordhiyo doorka khubarada midowga afrika si ay u fududeeyaan wadahadalada isla markaana ay u soo afjaraan farqiga u dhexeeya saddexda dal, sida ay qortay wakaalada wararka u faafisa dowladda Sudan ee SUNA.

Bishii Nofeembar, Suudaan waxay qaadacday wada-hadallo uu ku baaqay Koonfur Afrika, oo hadda ah guddoomiyaha Midowga Afrika, wuxuuna ku dooday in habka wadahadalka ee lagu xallinayo khilaafka uu noqday mid aan miro-dhal noqon.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post