2010 Views

COLAADINTA MW FARMAAJO EE BEESHA MURUSADE!!!

COLAADINTA MW FARMAAJO EE BEESHA MURUSADE!!!
____________________________________________________________________________

Hordhac

Allaah ayey mahad oo idili u sugnaatay, nabadgalyo, iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Asalka colaadinta

Aqristoow qofka bini’aadamka ah, marbuu cuqdadoobaa, marbaa arin soo martay utun iyo ma hadho ku reebtaa, nasiibdarro! Sida ka muuqata MW Farmajo, khilaafkii isaga iyo RW kheeyre dhex maray, wuxuu ku reebay ma hadho, cuqdad, iyo caro aan dhamaanoo garashadii tirtay.

Waa xaqiiq in RW Kheeyre iyo gudoomiyaha Aqalka Sare, mudane Cabdi Xaashi ahaayeen, labadii mas’uul, ee ugu sareeysaye dowlada maanta jirta ka mid ahaa, ee sida public-ga ah uga hor yimid, damacii mudo kororsiga ee MW Farmaajo. Waxaa si gaar ah MW Farmaajo u dhibtay, in RW Kheeyre ku adkeeystay, in dalka laga qabto, doorasho xor iyo xalaal ah, waqtigeedana ku dhacda, sidii horaba ummada Soomaaliyeed ugu wada heshiisay.

Waxaa sidoo kale MW Farmaajo arin uu qaadan waayay ku noqotay, in RW Kheeyre sidii soo kale, yeelan karo hami saree siyaasadeed, iyo inuu gali karo dabac ah, inuu u tartamo jagada dalka ugu sareeysa. Wuxuu MD Farmaajo hore isu tusay, ama isugu sheekeeyey, in maamulkiisa eeysan iska sharixi karin, cid aan isaga aheyn. Nasiibdarro! Wuxuu si kaligii-cunnimo ah (Selfishness), isaga dhacsiiyey, ineey tahay in isaga oo kaliya loo daayo, inuu is sharaxo, inta kaloo dhanna, isaga oo kaliya u wada guul-wadeeysa oo uwada sacbiso. In Kheeyre arintaa iska diidey, waxeey MW Farmajo galisay, cuqdad iyo ciil uu la qarxay, illaa iyo maantana kasoo kaban la’yahay.

Waxaa ciilkaa iyo cuqdadaa kusii laba qarxeen, markuu ogaaday, in maamul goboleedyada,beesha caalamka, iyo xisbiyada mucaaradkaba, kuwada moowqif yihiin RW Kheeyre iyo gudoomiye Cabdi Xaashi, waliba ugu dambeeynna arintuba kusoo biyo-shubatay, in ugu dambeeynna soo jeedintoodii la wada qaato, sheekadii mudo kororsiga loogusoo gambanayey, ee “Qof-iyo-Codna”, meesha laga saarayoo, doorasho macquul ahoo dalka ka dhici karta, la isla qaatay. Waa jab kale, oo uu MW Farmaajo illoobi la’yahay, illaa iyo maanta. Markastana sii laba qarxisoo, ka xanaajisa.

Wuxuu sidoo kale MW Farmaajo yaqiinsaday, in ummadu is weeydin doono, su’aasha ah: Hade bal muxuu RW Kheeyre iyo gudoomiye Cabdi Xaashi kula dagaalay, mar hadii ugu dambeeyn taladoodii la qaatayoo, iyaga ka saxsanaadeen?  Waxeey tani MW Farmaajo ku tahay, bahdilaad kaloo, uu illoobi kari la’yahay.

Colaadinta reer seediyaashii ahna Ilmihiisa abtiyaashood!

RW Kheyre waa shaqsi, sida Farmaajaba shaqsi u yahay, shaqsiyaadkana weey is qaban karaan, kumana sii jiraan, siyaasiyiin hammi siyaasadeed isku qabta her-iyo-habeen. Waxaase ah wax aan meesha ku jirin, fadeexo iyo gunnimo ah, in madaxweyne dhanoo ummadeed, uu beegsato, colaadiyo, ama bar-tilmaameedsado reer dhanoo Soomaaliyeed, sababtuna tahay, siyaasi beeshaa u dhashay, oo eey is qabteen dartiis, kumana sii jiraan, kuwa uu gabar ka qaboo, ilmihiisana abtiyaashood ah. Soomaaliyeey ogooda! Farmaajo waa nimaan xishoon, oo dhur iyo dhaqanba laheyne!

MW Farmaajo xanuunkii uu ka qaaday, in RW Kheeyre ka hor yimid, damaciisii ahaa mudo korosiga, iyo inuu kaligiis is sharaxoon, RW Kheeyre is sharaxin, waxeey keentay, inuu dagaal aan la aragoon la maqal ku qaato, reerkuu RW Kheeyre ka dhashaye, waa beesha Murusade’e, Nasiibdarro! Farmaajo malaha tol gacantiisa qabta, isagana ma aha nin xishooda, dhaqan madaxweeynana warkiisabadaa.

MW Farmaajo wuxuu weerar ku qaaday saraakiishii reerkaa u dhashay, ee xilalka ka hayey ciidamada dalka, sida, taliyihii Kumaandoosta Soomaaliya ee Danab: Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, oo isagoon wax dambi ah lagu soo eedeeyn, wax maxkamad ahna aan la hor geeynin, si hade af-duub cad ah, xabsi Farmaajo ugu heeysto, illaa iyo maantadan.

Wuxuu sidoo kale qaab ugaarsi beeleed qabyaaladeeysan ah, xilka uga qaaday, sarkaalkii hayey sirdoonka ciidamada Military-ga, oo uu ku badalay, wiil  isaga Farmaajo ah isku qabiil yihiin, dhanka kalana uu abti u yahay, oo lagu magacaabo Siciid Kampala.Waa isla ninkuu islahaa ku badal, taliyihii Kumaandoosta Danab G. Ismaaciil, balse saraakiisha Mareeykanka kasoo diideen.

Sida xog lagu kalsoon yahay sheegeeyso, wuxuu liiska wasiirada cusube hadda lagu dhawaaqay, oo saxiix kaliya u dhiman yahay u dhiibay RW Rooble, liiskaa waxaa qeyb ahaan beesha Murusade loogu magacaabay, wasaarada Boostada iyo Is-gaarsiinta. Waa wasaarad aan shaqeyn, Illeen dalku malaha Boosto iyo Is-gaarsiin dowladu maamushoo wasaaradi ka shaqeeyso’e. Hadafkiisu wuxuu yahay, in beeshaa uu ku bahdilo, uga aargoosto, kuna muujiyo siduu ugu ciil qabo, inkastoo wasaarad kastaahi tahay, qeyb dowlada ka mid ah, dalkana loogu adeegayo, oo aan u adeegeyn reer gaar ah, balse macnaha ku jira, in wasiiro dowladeed, oo heerarkoodu kala duwan yahay, qabaa’il lagu qeeybiyo, ayaaba ah, arin lagu muujiyo sida loo kala mudan yahay darajooyinkaa.

Yuu dhaqankan uga dayanayaa MW Farmaajo?

In siyaasiyiin madaxweyne is qabteen darteed, reerkii eey ka dhasheen oo dhan loo colaadiyo, waa dhaqan uu lahaa MW Maxamed Siyaad Barre, oo waa tii uu tacadiyo kula kici jiray, reeraha siyaasiyiinta ay is hayyeen. Waa taariikh lawada og yahay, in afgambigii dhicisoobay, ee ay hor-boodayeen, siyaasiyiinta iyo saraakiisha beesha Majeerteen kadib, uu MW Siyaad Barre ku fasaxay ciidamadiisa, ineey dhulka beeshaasi dagto, waxkasta fasax u yihiin: Ineey dumarkooda kufsan karaan, hantidooda boobi karaan, ragooda iska xiran karaan, khaarijin karaan, ceelashadooda biyaha bam-ka ku goyn karaan, ka duugi karaan, baraagahoodana wada sumeyn karaan, xoolahooda iska kaxeeysan karaan, baas marin karaan. Waxkasta ineey ku sameyn karaan.

Waxa sidoo kale ka mid ah, siduu Col. Dhaga-Baceyr iyo saraakiishii la midka ahaa, ugu fasaxay deegaannada beesha Habargidir, kuwaasoo tacadiyadaa iyo in ka daranba kula kacay.

Waxaa intaa oo dhan, kaba sii wada darnaa, tacadiyadii uu MW Maxamed Siyaad Barre kula kacay beesha Isaaq, oo ay gaar u aheyd, in diyaarado uu ku duqeeyey. Beelo dhan inta soo daad-gureeyeyna wada dul-dajiyey, kadibna ku hubeeyey, si eey u xasuuqaan. Saraakiishii ugu caansanaa, sida Jen.Moorgan-kan Farmaajo la-taliyaha hadda u ahna, dadkaa dhiigooda, hantidooda, iyo cirdigoodaba/Sharaftooda uwada banneeyayoo, kuwada fasaxay. Waa xaqiiq.

Gunaanad

Waxaa Allaah mahadiis ah, in maanta MW Farmaajo laheyn awoodii uu lahaa MW Siyaad Barre.Waxaan mararka qaar is weeydiiyaa, bal kawaran, MW Farmaajio oo eey gacanta ugu wada jiraan, awooda ciidamada cirka, kuwa dhulka, kuwa Badda, kuwa nabad-Sugidda iyo kuwa asluubtaba, kuwaasoo wada dhisanoo, dalkoo dhan awood buuxda gacantooda ku wada jiro, bal muxu sameyn lahaa? Waxaa Allaah mahadiis ah, in MD Farmaajo Allaah xilligan kusoo aadiyey, oo ina baray qofka uu yahay. Mahadsanidiin.

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor).

Dhaqaaleyahan, qoraa, & falanqeeye siyaasadeed.

Minnesota-USA.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post