1290 Views

Wargayska New York Times oo qoray in Madaxweyne Joe Biden uu amaray Howlgalada Maraykanka ee Somaliya

Wargayska New York Times oo qoray in Madaxweyne Joe Biden uu amaray Howlgalada Maraykanka ee Somaliya
____________________________________________________________________________

 5- Marso, 2021

Milatariga iyo Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ayaa lagu wargeliyey in aysan ka fulin Karin howlgal dhanka cirka ama mid kumaandoos ah aagaga aysan ka jirin dagaaladda joogtada ah sidda Soomaaliya ayaga oo aan ogolaanshiyo ka haysan Aqalka Cad, sida ay daabacday New York Times.

Maamulka Joe Biden oo amarkaas u bixiyey si qarsoodi ah ayaa u soo rogay amarkan si loo xaqiijiyo waxyeeladda bad-qabka shacabka iyo la tuhunsaneyaasha ayaa lagu xusay warbixinta.

Talaabaddan ayaa u muuqata mid bilow u ah dib-u-qaabeyn uu maamulka Biden ku sameynayo shuruucda xukuumaddii Donald Trump oo u fasaxdey ciidamadda Mareykanka ay si madax-banaan u go’aansadaan howlgaladdaas.

New York Times oo soo xiganeysa mas’uuliyiin magacyadooda uga gaabsaday in aan loo ogoleyn in ay saxaafadda la hadlaan ayaa intaas ku dartay in maamulka Biden uu sidoo kale uu doonayo in uu hubiyo cidda lala beegsanayo howlgalka isla markaana lala soo wadaago fahfaahin qoraal ah iyo caddeyn muuqaal.

Nidaamkii Trump ayaa duqeymaha dhanka cirka ah gaar ahaan aagaga ka baxsan colaada wuxuu ku dabaqay siyaasad nuxurkeedu yahay dil ama qabasho, isaga oo si gaar ah Soomaaliya ugu shaabadeeyay in ay tahay “aag colaadeed”.

Sidda ay warisay shabakadda Airwars, maamulkii Trump ayaa afartii sano ee xukunka uu joogay wuxuu Soomaaliya ka fuliyey 276 howlgal oo isugu jiray duqeymo dhanka cirka ah iyo kuwa dhulka ah, iyadda oo taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika loona yaqaan AFRICOM uu kaliya xaqiijiyey 205 howlgal

 Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post