1047 Views

Soomaali walaac ka muujisay tallaabo ay qaaday Dowladda Turkiga

Soomaali walaac ka muujisay tallaabo ay qaaday Dowladda Turkiga
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 17 2020–Dowladda Turkiga ayaa soo saartay xeer muwaadiniinta dalal badan oo waddankaasi dal-ku-galka dalxiiska ah ku galay u diidaya in sanad ka badan degganaashaha loo cusbooneysiiyo.

Soomaalida ku dhaqan waddankaasi kama mid ah dadka uu go’aankani qabanayo. Sharcigan ayaa saameeyay muwaadiniin u dhashay dalka Jibuuti oo tiradooda lagu qiyaasay 70 qoys.

Yaasiin Macallin Cismaan Guddoomiyihii hore ee Jaaliyadda Jabuuti ee dalka Turkiga ayaa sheegay in arrintaan walaac badan ay ka muujinayaan dadka Soomaaliyeed ee kumaanka gaaraya,kuwaas oo ku nool gudaha dalka Turkiga.

Dalka Turkiga ayaa waxaa ku nool Soomaali farabadan,kuwaas oo qaarkood u joogo waxbarasho,waxaana ay haatan walaac ka muujinayaan tallaabada ay qaaday Xukuumadda Ankara.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post