840 Views

Chelsea oo ogolaatay in $5.2 bilyan oo doollar ay kooxda uga iibiso naadiga uu hogaamiyo Todd Boehly

Chelsea oo  ogolaatay in $5.2 bilyan oo doollar ay kooxda uga iibiso naadiga uu hogaamiyo Todd Boehly
____________________________________________________________________________

Sabti: May 7, 2022

Chelsea ayaa ogolaatay in $5.2 bilyan oo doollar ay kooxda uga iibiso naadiga uu hogaamiyo Todd Boehly, oo ah mulkiilaha kooxda kubbadda koleyga ee LA Dodgers.

Iibinta kooxda ayaa la shaaciyay ka hor inta aan la ganaaxin mulkiilaha kooxda Roman Abramovich kadib markii lagu eedeeyay in uu xiriir la sameeyay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ka dib duulaankii Ukraine.

Abramovich ayaa kooxda Chelsea waxa uu 2003 ku iibsaday £140m, waxa uuna sheegayaa in go’aanka uu kooxda ku iibsaday “aanay la xiriirin ganacsi ama lacag, balse ay aheyd jaceyl uu u qabay ciyaaraha iyo kooxdaba”.

Warbixin ay soo saartay Chelsea ayaa lagu sheegay in milkiilayaasha cusub ay ku bixin doonaan 2.5 bilyan oo gini saamiga kooxda.

Dakhliga ka soo baxa kooxda ayaa la sheegay in la gelin doono arrimaha la xirriira samafalka.

Maalgashadayaasha kale waxaa ka mid ah bilyaneer reer Mareykan ah Mark Walter, oo ay sidoo kale kooxda ay si wadajir ah u maamuli doonaan bilyaneerka u dhashay Swiss, Hansjoerg Wyss.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post