4914 Views

CIIDAMO SAMEEYEY JIDGOOYO IYO CABASHO.

CIIDAMO SAMEEYEY JIDGOOYO IYO CABASHO.
____________________________________________________________________________

March 12, 2017

CIIDAMO SAMEEYEY JIDGOOYO IYO CABASHO.

Qaar ka tirsan Ciidamada dowlada ayaa manta jidgooyo ka sameyey agagaarka K4 iyo Zoobe, iyagoo in mudo ah hakiyey isu socodka magaalada. Arintan waxay wal wal iyo walaac gelisay shacabkii ku ganacsanayey goobihii u dhowaa meelihii ay jidgooyada ka sameyeen ciidamada.

Ciidamadan waxay ka cabanaayeen mushaar la’aan iyagoo aad ugu rajo waynaa in ay heli doonaan mushaarkii ka maqnaa markii la doortay Madaxweyne Farmaajo.

Hadaba waxaa is waydiin leh majiraa mushaar diyaarsan oo la siinkaro Ciidamada, madaama ay dowlada cusub weli dadaal ugu jirto sidii ay u ogaan lahayd wixii lacag ah ee ku jira Qasnada dowlada, tasina waxay u bahan tahay waqti lagu ogaado wixii lacag Cadaan ah ee lagala wareegay Dowladii hore.

Sida uu balan qaday Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku qasban yahay in uu mushaar siiyo Ciidamada si kastaba ha ku keenee, Ciidamaduna waxay ku qasbanyihiin in ay waqti siiyaan Madaxweynaha si uu u soo diyaariyo mushaarka ciidamada, waayo Somaalidu waxay tiraahdaa “ninay hal ka maqantahay Haan Gorofa ayuu gacanta geliyaa”  waxaan u la jeedaa Farmaajo waxaa loo dhiibay Qasnad aan lacag ku jirin ilaa iyo hadana wuxuu ka dhexraadinayaa lacag aan ku jirin qasnada.

War iyo dhamaan waxaan leeyahay Ciidamada waqti siiya walaalkiin Farmaajo si aad u heshaan nolol ka wanaagsan tii aad horey u haysateen, waxaana hubaal ah in aad arki doontaan isbedel ka duwan kii aad ku soo jirteen waqtigii aadka u dheeraa.

Ugu dambeyn si aan ugaarno Guul iyo barwaaqo aan si wada jir ah uga shaqayno danta guud, waxaana hubaal ah in qofwalba uu gaari doono tiisa gaar ahaaneed.

W/Q Cumar M. Farax

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment