771 Views

C/raxmaan C/Shakuur oo sheegay in Somalia laga badbaadiyay dhibaato kusoo wajahneyd

C/raxmaan C/Shakuur oo sheegay in Somalia laga badbaadiyay dhibaato kusoo wajahneyd
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 20 2020
—Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame sidoo kalena ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay heshiiska siyaasadeed ee Doorashooyinka Federaalka oo ay wada gaareen Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo kaalinta kaga aaddan Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha magacaaban iyo dawlad Goboleedyada.

Shir jaraa’id uu ku qabtay Muqdisho ayaa waxaa uu ku sheegay in heshiiskaas uu Soomaaliya ka badbaadiyay dhibaato kusoo wajahneyd oo kaga imaaneysay dhinac walba,isla markaana ay soo dhaweeynayaan sidoo kalena ay ku baaqayaan in la fuliyo qodobadii ku qornaa heshiiska.

“Heshiiska Doorashada waa heshiis badbaadiyay dhibaato Somalia kusoo wajahneed xiliga kala guurka, waana soo dhaweyneynaa, waxaan u mahad celinayaa dadka ka Shaqeeyay, waxaana ku baaqeeynaa in la dhaqan geliyo.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa ku eedeeyay Madaxweyne farmaajo in uusan hal tallaabo u qaadin Arrimaha doorashooyinka dalka inta uu xilka haayay, isla markaana taasi ay muuineyso in uusan diyaar u aheyn doorasho la qabto.

Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dalka uu ku jiro waqti kala-guur ah, isla markaana la isku diyaarinauo doorasho ka dhacda dalka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post