405 Views

Mustafe Cagjar oo sheegay in ciidankoodu gudaha Soomaaliya aagag ka samaysan doonaan

Mustafe Cagjar oo sheegay in ciidankoodu gudaha Soomaaliya aagag ka samaysan doonaan
____________________________________________________________________________

Arbaco july 27, 2022

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Maxamed Cumar (Cagjar) ayaa kadib dagaalkii al-Shabaab ay gudaha ugu galeen dhulka uu maamulo ku dhaaaqey in aysan mar danbe halkan ku sugeyn al-Shabaab inta ay soo weerari doonaan.

Mustafe Cagjar ayaa sheegay in malayshiyaadka al-Shabaab ay suu lu go’een, dalkaan ciidamo difaaca ayuu lee yahay ayuu yiri. Madaxweynaha DDS ayaa sheegay in hadda kadib aysan sugeyn al-Shabaab.

Waxaan sameyn doonaa dhul ka caagan iyaga al-Shabaab oo ka baxsan dhulkeena Bufferzone waxa loo yaqaan oo aan ka difaaci doona dhulkeena ayuu yiri, isaga oo taas ka wada in ay gudaha Soomaaliya ka sameyn doonaan goobo ay ka ilaaliyaan DDS.

Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa wadaaga xuduud aad u dheer oo ay adag tahay in labada dalba ay ilaaliyaan.

Arrinta Bufferzone ee cagjar ku dhawaaqey ayaa u baahan in ay kala hadlaan Soomaaliya, maadaama kooxda al-Shabaab ay tahay cadowga labada dhinac isla markaana dhinac walba u talaabaya, laakiin haddii DDS keligeed arrintaan ku tallaabsato oo isku daydo in ay Liyuu Boolis gudaha Jamhuuriyadda ka hawlgaleen, waxay noqoneysaa ku xadgudub madaxbanaanida Jamhuuriyadda.

Itoobiya waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo badan oo hadda ku ahwlgala magaca ATMIS.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post