753 Views

Maxay ka wada hadleen Khayre iyo Jawaari?

Maxay ka wada hadleen Khayre iyo Jawaari?
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 15 2020
—Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre oo u sharaxan xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maanta hoygiisa qado sharaf ugu sameeyay guddoomiyihii hore  ee Baarlamaanka Maxamd Sh. Cusmaan Jawaari oo booqasho ugu tagay Khayre.

Xasan Cali Khayre iyo Jawaari ayaa yeeshay Kulan saacado qaatay kana dhacay guriga Ra’iisul wasaarihii hore waxa ay uga wada hadleen xaaladda kala guurka ah iyo doorashooyinka ee Soomaaliya ee dabayaaqada 2020-2021-da.

Xasan Cali Khayre ayaa intii uu kulanku socdsay waxuu ku celiyay muhiimadda ay ummadda Soomaaliyeed u leedahay doorasho la isla ogolyahay oo waqtigeeda ku dhacda si looga baaqsado khalkhal dhinacya badan oo dalka ku yimaada oo aadan doorashooyinka Soomaaliya.

Prof Jawaari ayaa dhankiisa sheegay in ay muhiimtahay in dalka loo diyaariyo nidaam doorasho oo dhamaan dhinacyadu qayb ka yihiin,lana dedejiyo heshiisyada muhiimka u ah doorashooyinka Soomaaliya.

Khayre oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha baneeyay July 25, 2020 kadib markii baarlamaanka oo madaxtooyada ka qalin daaranaya sheegeen in ay kalsoonida kala laabteen Xasan Cali Khayre, ayaa dhawaan shaaciyay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Musharax Maxaweyne, Xasan Cali Khayre oo noqday ra’iisul Wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee xukuumad hoggaamiya buruburkii kadib ayaa intii uu ahaa wasiirka koowaad waxuu ku guuleystay dib-u-dhiska ciidanka, dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka, dowlad wanaagga iyo la dagaallanka Musuq-maasuqa inkastoo ay jiraan dhinacyo kale oo lagu dhaliilay in aysan wax ka qaban sida xiriirka DFS iyo DG.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post