1290 Views

Maamulka Jubaland oo si diiran u soo dhaweeyay xil ka joojinta Taliyaha NISA fahad Yaasin.

Maamulka Jubaland oo si diiran u soo dhaweeyay xil ka joojinta Taliyaha NISA  fahad Yaasin.
____________________________________________________________________________

Isniin: September 6, 2021

Maamulka Jubbaland ayaa Noqday maamulkii ugu horeeyay oo si diiran u soo dhaweeeyayXilka qaadistii iyo shaqo joojintii lagu sameeyay Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Warsaxaafadeedkii ka sooi baxay Jubbaland ayaa haa sidaan

Warsaxafadeed ka soo baxay maamul goboleedka Jubaland ayaa lagu sheegay in maamulka uu ku qanacsan yahay tallaabooyinka uu qaadey Ra’iisul Wasaaruha ee “uu kaga jawaabay codsiyadii isdaba jooga ahaa ee ka imanayay qoyska, qaraabada iyo shacab weynaha Soomaaliyeed ee lagu dalbanayey sidii ay cadaalad ku heli lahayed sarkaalad ikraan Tahliil.”

Jubbaland ayaa ugu horreyn soo dhoweysay go’aanka uu Rooble ka qaatay maareynta kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la sheegay inay dileen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale Jubbaland ayaa ra’iisul wasaaraha ku boggaadisay shaqo joojinta uu ku sameeyey Faahad Yaasiin, kaas oo khilaaf ka dhex-dhaliyey Villa Soomaaliya.

“Jubaland waxay ku qanacsan tahay tallaabooyinka uu qaadey Ra’iisul Wasaaruhu ee kaga jawaabay codsiyadii isdaba jooga ahaa ee ka imanayay qoyska, qaraabada iyo shacab weynaha Soomaaliyeed ee lagu dalbanayey sidii ay cadaalad ku heli lahayed sarkaalad ikraan Tahliil,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada maamulka Jubbaland.

Warsaxaafadeedka Ra’iisul Wasaare Rooble uu xilka uga joojiyay Fahad Yasin ayaa waxa lagu yiri: “Markii (ra’iisul wasaaraha) uu garwaaqsaday in warbixintii hay’adda (NISA) ee ku saabsanayd kiiska Ikraan Tahliil, aanay ahayn mid lagu qanci karo. Ra’iisul Wasaaraha wuxuu shaqada ka joojiyay Agaasimaha Guud ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post