768 Views

Wadamada Jaamacadda Carabta oo shir deg deg ah yeelanaya

Wadamada Jaamacadda Carabta oo shir deg deg ah yeelanaya
____________________________________________________________________________

Kulan Xilliyeedka caadiga ee Wakiilladda Joogtada ee Golaha Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu berrito oo Isniin ah ka dhici doona Xarunta Ururkaasi oo ku taalla Caasimadda dalka Masar ee Qaahira.

Shirkaasi oo ay Dowladda Qatar guddoomin doonto ayaa waxaa looga xaajoon doonaan Dembiyada ay Israel ka geystaan magaalladda Quddus-ta La-haysto.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Xusaam Zaki ayaa ku dhawaaqay Qabsoomida Shirkaasi, iyadoo ay Maamulka Reer Falastiin codsadeen Shirka Degdegga ee looga hadlayo Tacadiyada iyo Weerarada ay Askarta Yuhuudda u geystaan dadka ku cibaadaysanayo Masjidka Al-Aqsa.

Kulanka ay Wakiilladda Joogtada ee Ururka Jaamacadda Carabta berrito yeelan doonaan waxaa kaloo looga xaajoonayaa Qorshaha Israel ee ay ku doonayaan inay xoog ku qaataan Guryaha Muwaadiniinta Reer Falastiin ee ku nool Al Quddus, gaar ahaan Deegaanka Sheekh Jarrah.

Waxaa qoray Ustaad Nuuradiin Abuukar

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post