1299 Views

Akhriso:-Khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Akhriso:-Khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 22, 2019 —Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ahaa oo Maanta ka dhacay wadada aada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ee ka  leexata Km4 gaar ahaan afaafka hore ee Hotel Afrik.

Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa Goobta  waxaa ay aheyd mid mashquul badan,waxaana la sheegay in gaariga qarxay uu yaalla goob Bakin ah oo ka mid ah hotelka,waxaana sidoo kale Goobta ka agdhow Bar-koontorool oo ciidamada Dowladda ay ku baaraan Gaadiidka aada dhinaca Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada muqdisho.

 

Waxaa sidoo kale halka uu qaraxa ka dhacay ku yaalla kaalin shidaan oo la sheegay in uu soo gaaray burbur xoogan,waxaana qaraxaasi inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 12 Ruux iyo dhaawaca 15 kale oo qaar ka mid ah ay ahaayeen kuwo u socday xajka oo Maanta diyaar ku qornaa.

Hay’adaha Amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay qaraxaas,waxaana xusid mudan in qarixii labaad ee bil gudaheed ah uu ka dhacay agagaarka Koontoroolka laga ilaaliyo Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment