2028 Views

Maalqabeen Sadaqo Ku Bixinaya Lacag Dhan 2 Bilyan Oo Dollar

Maalqabeen Sadaqo Ku Bixinaya Lacag Dhan 2 Bilyan Oo Dollar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 14, 2018 – Madaxa shirkadda Amazon Jeff Bezos ayaa gargaar u bixinaya 2 bilyan oo doolar oo uu ku caawinayo dadka guryo la’aanta iyo iskuullo.

Ninka ugu taajirsan dunida ayaa tallaabadan qaaday isaga oo Twitterka ku shaaciyay, wuxuuna sheegay in hay’addiisa samafalka ee mashruucan fulin doonto loo bixinayo Day One Fund.

Bezos ayaa la sheegay in uu haysto dhaqaale ka badan 164 bilyan oo doolarka Maraykanka ah, wuxuuna horay ula kulmay dhaleecayn ku saabsan in uusan wax badan ka gaysanin arrimaha gargaarka.

Bernie Sanders oo ah Senater Maraykan ah ayaa dhaliilay xaaladda ay ku shaqeeyaan shaqaalaha ka hawlgala bakhaarrada Amazon.

Bezos ayaa dadka Twitterka isticmaala waydiiyay talo ku saabsan sidii uu u adeegsan lahaa hantidiisa gaarka ah, dhaqaalihiisa ayaana sare u kacay ka dib markii ay kor u keceen qiimaha saamiyada Amazon isla markaasna la dhimay canshuurihii Maraykanka.

Khamiistii ayuu sheegay in hay’adda “Bezos Day One Fund” ay dhaqaale ku kabi doonto hay’addaha aan ribix doonka ahayn ee haddaba caawiya qoysaska hoy la’aanta ah, islamarkaasna uu iskuullo u dhisi doono bulshooyinka uu soo galo dhaqaalaha yar.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment