1323 Views

DHAGEYSO: Wasiir Cawad” Imaaraad ma rabno dagaalkooda”

DHAGEYSO: Wasiir Cawad” Imaaraad ma rabno dagaalkooda”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 18, 2019 –Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wali Caddaadis xooggan ay kala kulmayso qaar ka mid ah dalalka Khaliijka Carabta ka dib markii ay go’aansatay in ay dhexdhexaad ka noqoto Khilaafkii soo gala dhex galay dalalkaasi.

Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dalalka qaarkood ay Colaadiyeen Soomaaliya, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay si weyn ugu adkeysatay dhexdhexaadnimadda.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya aysan Midna dagaalkooda rabin Imaaraadka Carabta, Sacuudiga iyo waliba dowladda Qatar, islamarkaana ay diyaar u tahay in si Madax banaan ay kula dhaqanto dhammaantooda.

Ugu dambeyntii Waxaa uu xusay in madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku tagay qaar ka mid ah dalalka Soomaaliya Colaadiyay uuna isku dayay in uu ka dhaacidhiciyo go’aanka dhexdhexaadnimadda ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment