885 Views

Shirkadda Somtel oo Muqdisho sirasmi ah uga daahfurtay Adeega Safar Taxi

Shirkadda Somtel oo Muqdisho sirasmi ah uga daahfurtay Adeega Safar Taxi
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 04, |  2020—Shirkadda isgaarsiinta Somtel ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ay  sirasmi ah uga daahfurtay Shirkadda Safar Taxi oo laga heli karo adeegyo ay kamid yihiin Taxi, kadib munaasabad ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay, siyaasiyiin, Urrurada Haweenka & Dhalinyarada, iskaashatooyinka gaadiidka Takaasida  iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaalada Muqdisho & Xubno kale.

Agaasimaha Guud ee Shirkadda Safar Taxi oo hadal kooban munaasabadda ka jeediyay ayaa ku dheeraaday ahmiyada safar taxi u leedahay bulshada, isaga oo tibaaxay in bulshada Soomaaliyeed ay fursad Shaqo abuur  u tahay, isla markaana qof  walba qiima jaban uu  ku raacayo marka uu kireysanayo

Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ku hadlayay Magaca Iskaashatada Ggaadiidka Takaasida  ayaa  sheegay inay ka faa’iideysanayaan fursadaan Safar Taxi una arko inay furasad Shaqo u noqotay wadayaal farabadan oo gaadiidka takaasida ku Shaqeysan jiray laakiin aan macaamiil badan heli jirin maalintii.

Sidoo kale Waxaa Munaasabadda ka hadlay madaxa suuqgeynta & iibka Huyndai Mrs Hivo Warsame, wuxuuna sheegay in gaadiid casri ah ay u keentay Shirkadda Safar Taxi isla markaana  Bulshada  uga faa’ideyn doonaan modelkii ugu danbeeyay gawaarida casriga ah.

Ugu Danbeyntii waxaa munaasabada  geba-gabeeyay Madaxa Shirkadda Dahabshil  Group ee Banaadir & labada Shabeelle C/risaaq Xaaji Xuseen, isaga oo sheegay in Dahabshiil Group ay mar walba u taagan tahay daboolida baahida ay qabaan  Shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena in Xarigii labaad ee Internet Fiber Optic ah Soomaaliya ka hirgaliyeen, waxaana uu faah faahiyay ahmiyada safar taxi kuna tilmaamay isku xiraha bulshada, isla markaana uu soo afjarayo baahida gaadiidka takaasida kun raacayo  Qiimo jaban, isagoo E-dahab Ku bixinaya.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post