1101 Views

Shir looga hadlayo Caabuqa Coronavirus oo ka furmey Muqdisho

Shir looga hadlayo Caabuqa Coronavirus oo ka furmey Muqdisho
____________________________________________________________________________

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxaa Maanta ka furmey Shir looga hadlayo Caabuqa Coronavirus oo dad badan ay ugu dhinteen qaar kamid ah dalalka Caalamka.

 

Shirkana oo ay soo qaban qaabisey Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa goobjoog ka ah Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad goboleedyada,waxaana diirada lagu saarayaa diyaar garowga Soomaaliya ee Cudurka Coronavirus.

 

 

 

Shirka oo socon doona muddo laba Cisho ah ayaa waxaa wasiirada ka socda Dowlad Goboleedyada loo jeedinayaa talooyin iyo farriimo ku aadan ka horaga Cudurka Coronavirus si ay ula wadaagaan dadka ku nool deegaannada Dowlad Goboleedyada.

 

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur oo shirka furtey ayaa sheegtey in u jeedka Shirka loo qabtey ay tahay in aan la siyaasadeyn Adeega caafimaadka dalka maadaama Cudurka Coronavirus uu si aad ah ugu faafay Caalamka.

 

Maalinta Berito ah oo la filayo in Shirka la soo geba-gabeeyo ayaa waxaa laga soo saari doonaa qodobo dhowr ah oo ku saabsan waxyaabihii ay shirka uga hadleen ee Caabuqa Coronavirus.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment