1278 Views

Ciidamada amaanka iyo banaanbaxayaal iskaga hor imaaday Myanmar..

Ciidamada amaanka iyo banaanbaxayaal iskaga hor imaaday  Myanmar..
____________________________________________________________________________

Febarayo   28 /2/ 2021

inta la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku geeriyootay kadib isku dhac dhex maray ciidamada amaanka iyo banaanbaxayaa Myanmar ee diidan ciidamada afgambiga ku qabsaday talada dalkaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamadu ay maanta dibadbaxayaasha u adeegsadeen awood dheeraad ah rasaas nool noolna ku rideen.

Isku dhaca ugu weyn waxaa uu ka dhacay magaalada labaad ee dalka Myanmar ugu weyn ee Yanguun.

Rabshaduhu waxay bilowdeen kadib markii maanta ciidamadu isku dayeen inay xoog ku kala cayriyaan banaanbaxayaal deganaa goob gaadiidka dadweynaha laga raaco magaalada Yanguun hase ahaatee diidanaa inay goobta ka tagaan.

Tan iyo bilowgii bishaan xaaladda dalka Myanmar ma deganeyn oo dibadbaxyo rabshado wata ayaa ka socday kuwaasoo lagu diidan yahay militryga xukunka xooga kula wareegay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post