2379 Views

Maxaa Sababay Inuu Baaqdo Shirkii Uu Ku Baaqay Madaxweyne Farmaajo?

Maxaa Sababay Inuu Baaqdo Shirkii Uu Ku Baaqay Madaxweyne Farmaajo?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 24, 2018 –Waxaa dib u dhac uu ku yimid shirkii uu ku baaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo lagu dhex dhexaadin lahaa madaxda Galmudug ee uu ka dhaxeeyo khilaafka xoogan.

Shirkan oo qorshaha uu ahaa inuu furmo maanta oo bisha September ay tahay 24, ayaa waxa uu ujeedkiisu ahaa sidii loo soo afjari lahaa xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee ka soo cusboonaaday Galmudug.

Shirkan ayaa waxaa si gaar ah loogaga doodi lahaa sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo colaadaha soo noqnoqday ee Galmudug.

Shirkan ayaa inuu dib u dhac ku yimaado wuxuu ka dambeeyay kadib markii madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle uu ku gacan seeray baaqa Farmaajo, wuxuuna tilmaamay dhibaatada Galmudug in laga soo abaabulay madaxtooyada Soomaaliya.

Galmudug garabka uu hoggaaminayo madaxweyne kuxigeen Maxamed Xaashi Cabdi Carabey ayaa soo dhaweeyay baaqa madaxweynaha, waxayna dhankooda tilmaameen inay diyaar u yihiin ka qeyb galka shirka uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya.

Khilaafaadka ka jira Galmudug ayaa wuxuu soo maray marxalado kala duwan, mar walbana dowladdu waxa ay u taagan tahay sidii xal loogu heli lahaa kala aragti duwaanshaha siyaasadeed ee ka jira deegaankaas.

Shacabku waxay ka sugayaan maamulka Galmudug in la daadajiyo adeegyada aasaasiga ah taas oo u baahan xasillooni siyaasadeed, deganaansho amni iyo wada shaqeyn buuxda oo ay yeeshan madaxda, balse arrintaasi weli ma muuqato.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment