816 Views

AMISOM oo saraakiil Boolis ah usoo xirtay tababar

AMISOM oo saraakiil Boolis ah usoo xirtay tababar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 08, 2021–Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay shalayto soo gaba-gabeeyeen tababar muddo afar maalmood ah ugu socday Magaalada Muqdisho 160 saraakiil Boolis ah oo ka tirsan AMISOM.

AMISOM ayaa sheegtay in saraakiisha Booliska ah ee ka socda dalka Uganda ay joogi doonaan Soomaaliya muddo hal Sano ah, iyagoo gacan ka geysan doona ilaalinta sharciga, kala dambeynta iyo sugidda nabad gelyada dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska AMISOM Augustine Kailie , ayaa sheegay in saraakiishani ay sii fulin doonaan tababarro ,howlaha kormeerka iyo la talinta Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Augustine Kailie, ayaa saraakiisha uu tababarku u dhammaaday u sheegay in ay Soomaaliya ujoogaan howlo nabad ilaalin ah, wuxuuna kula dardaarmay inay dhowraan xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin bulshada martida loo yahay.

Saraakiishan ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay gacan ka geystaan howlaha sugidda ammaanka xilliga doorashada madaxtinimo oo dhowaan la filayo in ay ka dhacdo dalka Soomaaliya.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post