837 Views

Raiisel wasaaraha India oo ku ag suuxay naxashyada ay ku jiraan hadhaagii hilbaha taliyihii ciidamada difaaca Hindiya

Raiisel wasaaraha India oo  ku ag suuxay naxashyada ay ku jiraan hadhaagii hilbaha taliyihii ciidamada difaaca Hindiya
____________________________________________________________________________

Sabti: December 11, 2021

Raiisel wasaaraha India Narendra Modi ayaa ku ag suuxay naxashyada ay ku jiraan hadhaagii hilbaha taliyihii ciidamada difaaca ee Hindiya General Bipin Rawat iyo 12 kale, intii lagu guda jiray xaflad ubax dhigis ah oo ka dhacday garoonka diyaaradaha ee New Delhi, India.

Wasiirka difaaca Rajnath Singh, lataliyaha dhanka amniga ee dowlada Ajit Doval, iyo taliyaha ciidamada India Manoj Mukund Naravane ayaa sidoo kale abaal-marin ubaxeed u sameeyay maydka oo ku sugnaa New Delhi.

General Bipin Rawat, xaaskiisa iyo 12 ka mid ah shaqaalaha difaaca ayaa u duulayay kulliyadda shaqaalaha milatariga ee koonfurta Hindiya, markii diyaarad helikobter ah oo ay ku safrayeen ay ku soo dhacday meel u dhow magaalada Coonoor, Arbacadii.

Waxaa shilka ka badbaaday hal qof oo ka mid ahaa 14-kii qof ee saarnaa diyaaradda, iyadoo la baarayo sababta keentay shilkan.

Rawat, oo 63 jir ah, ayaa dawladda Modi u magacawday in uu noqdo madaxii ugu horreeyay ee difaaca ee Hindiya dabayaaqadii sannadkii 2019. Booskan ayaa la dejiyay iyada oo ujeedadu ahayd in la isku dhafo ciidanka, badda iyo ciidanka cirka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post