849 Views

Madaxda Sare oo ka baaqsaday ka qeyb galka Munaasabadda Xuska Ciidanka Booliska

Madaxda Sare oo ka baaqsaday ka qeyb galka Munaasabadda Xuska Ciidanka Booliska
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 21, 2019 | QOL |   –Waxaa maanta Garoonka Eng Yariisow Ex Koonis lagu qabtay Munaasabad lagu xusayay sanadguurada 76-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

 

Munaasabadda Ciidanka Booliska waxaa ka qeyb gali jiray Madaxda ugu sareysa dalka Sidda Madaxweynaha ama Ra’iisul Wasaaraha oo Khudbad ku aadan waajibaadka Ciidanka Booliska iyo dhiirigalin u sameyn jiray Sanadyadii ugu dambeeyay.

 

 

 

Munaasabadda maanta lagu qabtay Garoonka Eng Yariisow waxaa ka qeyb galin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Kheyre oo labadda ku sugan dalka.

 

Waxaa  sidoo kale Munaasabadda ka baaqsaday Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed” Filish”.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo ah taliyaha Guud ee Ciidanka ayaa inta badan dardaaran u jeedin jiray Ciidanka Booliska sidoo kalena dalacsiin jiray Saraakiisha Shaqooyinka muhiimka ah qabta.

 

Wali lama ogga Sababta ay uga baaqdeen madaxda Sare Munsaasabadda Ciidanka Booliska oo ah Mid muhiim ah si loo dhiirigaliyo Ciidanka Booliska oo ah Ciidanka ugu Faca weyn Ciidamada Soomaaliyeed.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment