1206 Views

Maxkamada Sare ee Puntland oo markale mudeysay kiiskii Caaisho Ilyaas

Maxkamada Sare ee Puntland oo markale mudeysay kiiskii Caaisho Ilyaas
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 19, 2019 —Maanta ayaa Maxkamadda sare ee Puntland waxaa ay  markale u fariisatay wajiga labaad ee dacwada la xiriirta falkii Kufsiga iyo dilka ahaa ee Bishii Febaraayo ee sanadkaan Magalada Gaalkacyo loogu geystay Caaisho Ilyaas Aadan.

 

Maxkamada ayaa markale dhageysatay dacwadaha ay kala qabaan  labada dhinac gaar ahaan Qareenada difaacaya kuwa horey dambiga loogu helay,waxaana Maxkamada  ay ku dhawaaqday in 22-ka bishan la dhegaysan doonto Gar-maqalka Kiiska islamarkaana ay go’aan ka gaaari doonto.

 

Saddexda Nin ee loo feystay falkaas oo lagu kala Magacaabo Cabdifataax Cabdirahman Warsame,Cabdisalaan Cabdirahman Warsame ayaa waxaa horay xukun dil toogasho ah ugu riday maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka gobolka Nugaal,hayeeshee ay racfaan ka qaateen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment