612 Views

Faah-faahinta Qaraxa Muqdisho ka dhacay oo ay ka bad baadeen Wasiirada

Faah-faahinta Qaraxa Muqdisho ka dhacay oo ay ka bad baadeen Wasiirada
____________________________________________________________________________


Arbaco: May 11, 2022

Faahfinno dheraad ah ayaa kasoo baxayo Qaraxii goordhoweyd laga maqlay qeeybo kamid ah Magaalada Muqdisho, Qaraxa ayaana ka dhacay Bar kontorool oo ku taal agagaarka KM4 oo aada dhanka Airporka, Gaar ahaan afaafka Hotel afric.

Xoggo soo baxaya ayaa sheegaya in Qof walxaha qarxa isku soo xiray oo ismiidaamiyay uu isku qarxiyay Kolonyo gelbineysay Taliyaha Ciidanka Saadka xogga dalka Generaal Garabeey, waxaana sidoo kale goobta marayay Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda Seynab Xaabseey, iyo Wasiirka Haweenka xaniifa xaabsade, waxaana la sheegay in ay qaraxa ay ka badbaadeen mas’uuliyiinta.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay  qaraxa oo inta badan laga maqlay magaalada Muqdisho, waxaana la xaqiijiyay Dhimashadda 3 qof oo labo askar DFS ka tirsanaayeen.

Goobta uu qaraxu uu dhacay waa halka laga gallo sidoo kalana lagu hubiya gawaaridda aadeyso Dhanka garoon Diyaaradaha Aadan Cadde, iyo dhanka hoolka sahal, waana goob kamid ah meelaha aadka loo ilaaliyo, iyadoona dhowr jeer oo hore qaraxyo ay ka dhaceen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post