237 Views

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud QM ee Amniga

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud QM ee Amniga
____________________________________________________________________________

.

Isniin:  January 16 2023

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Amniga iyo Badbaadada, Mr Gilles Michaud.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa warbixin ka siiyey Kaaliyaha guulaha ay dowladdu ka gaartay dagaalka ay kula jirto Khawaariijta iyo qorshaha Xukuumadda DanQaran ee ku wajahan xasillinta deegaannada laga xoreeyay argagixisada.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa dowladda Soomaaliya ku amaanay guulaha ay ka soo hoysay dagaalka ay kula jirto argagixisada, isagoo tilmaamay in hay’adda Qaramadda Midoobayn diyaar u tahay in Soomaaliya kala shaqayso qorshaha xasillinta iyo sidii dadka ku sugan goobaha la xoreeyay loo gaarsiin lahaa gargaar degdeg ah iyo adeegyada assaasiga ah.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post