990 Views

shir u socday Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle iyo Saraakiisha qabsay qeybo kamid ah magaaladaasi

shir u socday  Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle iyo Saraakiisha qabsay qeybo kamid ah magaaladaasi
____________________________________________________________________________

 


Sabti: August 28, 2021

ka dib, kulamo saacadihii la soo dhaafay magaalada Beledweyne uga socday Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle iyo Saraakiisha qabsay qeybo kamid ah magaaladaasi ayaa lagu gaaray heshiis horudhac ah.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in ciidamada gadoodsan laga saaro magaalada, isla markaasna ay dib ugu laabtaan xirooyinkii ay ka yimaadeen.

Kulamadan oo horudhac ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Gen Mukhtaar, odoyaasha dhaqanka oo uu hoggaaminayay Ugaas Yusuf Ugaas Xasan Ugaas Roble, mas’uuliyiin ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

Waxaana Lagu balamay Shirweyne kale oo lagu dhameeynayo tabashada reer Hiiraan ay ka qabaan maamulka Hirshabeelle, kaasi oo lagu qaban doono magaalada Beledwayne.

Ciidamadan ayaa ka horyimid in magaalada Beledwyne uu yimaado Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe, taasi oo sababtay in ay habeenno ka hor la wareegaan qeybo kamid ay Beledwayne.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post