450 Views

Ciidanka sirdoonka Koonfur Galbeed oo howlgallo Qorsheysan fulliyay

Ciidanka sirdoonka Koonfur Galbeed oo howlgallo Qorsheysan fulliyay
____________________________________________________________________________

Sabti: AUGUST 6, 2022

Qarax aad u xooggan ayaa Jimcihii ku dhacay meel u dhow goob ay ku shirsanaayeen muslimiinta Shiicada ah oo ku taalla magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, waxaana ku dhintay ugu yaraan 8 qof oo rayid ah 18 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ee Daacish laantiisa gobolka ayaa sheegtay mas’uuliyadda weeerarkan.


Goob-joogayaal ayaa sheegay in xubno ka tirsan kooxda laga tirada badan yahay oo ay ku jiraan haween iyo carruur ay ku mashquulsanaayeen baroor-diiq sannadle ah oo ay ka sameynayeen xaafadda ay Shiicadu ku badan tahay ee galbeedka caasimadda Afghanistan markii uu qaraxu dhacay.

Afhayeen u hadlay Taalibaan oo lagu magacaabo Zabihullah Mujahid ayaa bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay khasaaraha ka dhashay weerarka, isagoo sheegay in bamka lagu rakibay gaari nooca xamuulka qaada ah, dhammaan dadka dhintayna ay ahaayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

“Dowladdu si adag ayay u cambaaraynaysaa falkan fulaynimada ah,” ayuu yiri Mujaahid, isaga oo intaa ku daray in weerarku ahaa mid ay ka dambeeyeen “cadowga Islaamka” iyo Afghanistan.

Laamaha Daacish ee Afghanistan, oo loo yaqaan Islamic State Khorasan Province ama ISIS-K, ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen qaraxan khasaaraha badan dhaliyay, waxayna sheegeen in ay dileen kuna dhaawacmeen 20 qof.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post