159 Views

Wafdigii U Horeeyay Ee Ka Socda Dowladda Itoobiya Oo Mudo kadib Gaaray Gobolka Tigray.

Wafdigii U Horeeyay Ee Ka Socda Dowladda Itoobiya Oo Mudo kadib Gaaray Gobolka Tigray.
____________________________________________________________________________

Talaado: DECEMBER 27, 2022

Waxaa caasimadda gobolka Tigray ee Maqalle ka dagay Wafdi ka socday dowladda Itoobiya oo uu hoggaaminayo Afhayeenka Baarlamaanka Itoobiya Tagese Chafo, iyadoo halkaa ay wafdiga ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta u sarreysa TPLF, ee gacanta ku haya maamulka gobolka Tigray.

Ujaaddada socdaalka wafdigan ee magaalada Maqale ayaa lagu sheegay inay u kuurgeli doonaan qaabka uu u dhaqan galay heshiiskii nabadeed ee dhawaan ay wada galeen dowladda iyo TPLF.

Socdaalka Wafdigan ayaa kusoo beegmaya xilli la filayo in maalmaha soo socda ay Maqalle gaaraan Wafdi ka socda Midowga Afrika oo uu kamid yahay Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuro Kenyatta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post