792 Views

Qaramada Midoobay “ waxay si diiran usoo dhawaynaysaa heshiiskii xalay ee Raysul Wasaare Rooble iyo Musharixiinta.

Qaramada Midoobay “  waxay si diiran usoo dhawaynaysaa heshiiskii xalay  ee  Raysul Wasaare  Rooble iyo Musharixiinta.
____________________________________________________________________________

February  26, /2/ 2021

War kaso baxay xafiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay heshiiski ay Muqdisho ku wada gaareen Midowga Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo xukuumadda xilka gaarsiinta ee Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in lasii waddo qodobada dhiman ee heshiiska si loo dhameystiro, waxaana ay ku baaqday in loo gudbo Mowduucyadda dhiman ee ku saabsan arrimaha doorashooyinka.

“Qaramada Midoobay waxay si diiran usoo dhawaynaysaa heshiiskii ay Xalay  ku dhawaaqeen  Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxda Galmudug, HirShabelle iyo Benaadir iyo sidoo kale Golaha Midowga Musharixiinta, waxayna bogaadinaysaa kuna tilmaamaysaa heshiiskaasi tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, ayadoo ku tilmaamaysa mid u adeegaya danaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool Muqdisho iyo Soomaali oo dhan”

Warka kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ayaa intaas kusii daray “Qaramada Midoobay waxay ku dhiiri galinaysaa dhammaan ka qayb galayaasha wada hadaladan inay sii wadaan si ay u xalliyaan  mawduucyada kale ee harsan  si ay ku jirto isku tanaasul iyo niyad wanaa”

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post