732 Views

Taliye Qooje oo faahfaahiyay howlgallada ka socda Galgaduud iyo dagaalladii ugu dambeeyay

Taliye Qooje oo faahfaahiyay howlgallada ka socda Galgaduud iyo dagaalladii ugu dambeeyay
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 22 2020
Ciidamada xoogga dalka ayaa  ku wajahan deegannada kala ah Ceel-lahelay iyo Ceel-garas ee gobolka Galgaduud.

Deegaannadaan ayaa mudo ku dhaw 10 sanno waxa gacanta ku haayay Al-Shabaab.

Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi Qooje ayaa sheegay in Ciidanka xoogga dalka ay dileen ku dhawaad 18 ruux oo ka tirsan Shabaab, islamarkaana ciidanka ay kusii jeeddaan Ceelbuur.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dagaalkaasi ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 ruux oo shabaab ka tirsan.

Waxaa qiray ciidan ay ku dhinteen howlgalkaasi, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen laakiin uusan joogsan doonin.

Ciidanka ayaa shalay la wareegay degannada Bulacle, Xirsi-fiin, Cada-xaar, Ceel-guureeye iyo God-dhurwaa,oo koonfurta kaga began magaalada Dhuusa-mareeb, ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post