918 Views

Ciidamada Dowladda oo dagaal kula wareegay Bar-koontorool oo talagu murunsanaa

Ciidamada Dowladda oo dagaal kula wareegay Bar-koontorool oo talagu murunsanaa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 24, 2020 –Ciidanka Booliska Federaalka iyo kuwa  sida gaarka ah u tababaran Haramcad   ayaa waxaa la sheegay inay si awood ah kula wareegeen Bar-koontorool oo maalmihii la soo dhaafay lagu mursanaa taas oo ku taal inta u dhaxeysa degaanka Bacda iyo Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan.

Barta-koontorool ayaa waxaa ku sugnaa Maleeshiyo Beeleed hubeysnaa oo Gaadiidka lacago uga qaadi jiray, hayeeshee dagaal kooban oo ka dhacay ay la wareegeen Ciidamada Boolis ah oo ka yimid dhinaca degmada Guriceel & kuwo Haramcad ee sida gaarka ah u tababaran.

Majirin wax khasaaro ah oo ka dhashay dagaalkaas, waxaana lagu soo waramayaa in xaaladda ay haatan tahay mid degan, isla markaana Goobta ay fariisin ka sameysteen Ciidamada Booliska ee ka yimid Guriceel iyo kuwa Haramcad, iyaga oo amniga xaqiijinaya.

Taliya Saldhiga Booliska Guriceel Dhamme Cismaan Cali Hudey  & Taliyaha Ciidamada Haramcad ee Koontrolka ku sugan Dalmar Maxamed Shooble oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in goobta ay tahay mid gaadiidka galaya degmada lagu hubin doono sidoo kale lagu qaadi doono Canshuurta si wax loogu qabto Bulshada ku nool degaannada Galmudug.

Tallaabadaan lagula wareegay barta-koontorool eek u taal duleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay daba socotay amar kasoo baxay Madaxweynaha Galmudug ee ahaa in Barta-koontorool lacagta kasoo baxda uu helo Dowlad goboleedka Galmudug.

Degmada Matabaan ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka gobolka Hiiraan, waxaana jira jahwareer ku aadan cidda ay maamul ahaan hoostageyso ee hir-Shabeelle iyo Galmudug.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post