321 Views

Wasiirka Difaaca iyo Talyaha Xoogga oo sagootiyay Ciidan loo diyaarayay dagaalka Al-shabaab

Wasiirka Difaaca iyo Talyaha Xoogga oo sagootiyay Ciidan loo diyaarayay dagaalka Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Talaado: Novembe: 29, 2022

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta booqasho iyo salaan ugu tagay Ciidamada Qalabka sida ee loo diyaariyay howlgalka dhawaan ka bilaabanaya deegaannada Jubaland.

Madaxweynaha waxaa wehelinayay Wasiirka Difaaca Dowlada Federaalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidamada xooga dalka Sareeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage oo Jubaland u joogay Maalmahan sidii Dowladda Federaalka iyo Jubaland ay u bilaabi lahayeen howlgallo midaysan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Ciidamadan ay ka kooban yihiin noocyada kala duwan ee Ciidamada Jubaland iyo kuwa xooga dalka isla markaana ay diyaar u yihiin xorreynta dalka.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in marka deegaananda la xoreeyo kadib ay diyaar yihiin hay’adahii la wareegi lahaa shaqada gaar ahaan Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida sidoo kalana la bilaabi doono sidii dadka deegaanka ay u soo dooran lahayeen dadka u adeegaya.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post