1029 Views

Gantaal laga tuuray Koonfurta Dalka Lubnaan oo ku dhacay gudaha Dalka Israel.

Gantaal  laga tuuray Koonfurta Dalka  Lubnaan oo  ku dhacay  gudaha Dalka Israel.
____________________________________________________________________________

  

Khamiis: August 5, 2021

  Shan Gantaal oo laga soo tuuray Koonfurta dhanka Lubnaan ayaa waxay ku habsadeen gudaha Israel.

Warar ayaa waxay sheegayan in Gantaalladaasi laga soo ganay gudaha dhulka Reer Falastiin, iyadoo inta badan Gantaaladaasi ku habsadeen dhulka Furan ee Xuduudka Israel.

Wakaalladda Wararka Lubnaan ee NNA waxay qortay in 4 Gantaal oo ay Milliteriga Israel soo tuureen ay ku habsadeen dhulka Buuralayda ee Kafarshooba ee gudaha Xuduudka Lubnaan

Israel waxay kaloo duqeeyeen Deeganka Sadana ee duleedka Degmadda Shebac, iyadoo uu dab ka kacay inta u dhexeysa Shebac iyo Habiiriyah.

Dhawaaqa Digniinta hore bixiya ee Israel ayaa laga maqlay meel ku dhow Deegaanka Kirayat Shamoona ee kaabiga ku haya xuduudka Lubnaan, halkaasi oo 20,000 oo qof oo dadka Yuhuudda ah la dejiyey.

Dhinaca kale, Janaalka 12-aad ee Telefishinka Israel waxa uu sheegay in mid ka mid ah Gantaallada laga soo tuuray gudaha Lubnaan hawada lagu burburiyey.

Milliteriga Israel waxay rumeysan yihiin inay Kooxaha Hubeysan ee Reer Falastiin ee ku sugan gudaha dalka Lubnaan ka dambeeyeen Gantaallada ku soo dhacay gudaha Israel.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post