333 Views

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray dalka Itoobiya

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray dalka Itoobiya
____________________________________________________________________________

khamiis:SEPTEMBER 22, 2022

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Iimaan iyo Wafdi uu hoogaaminayo oo ka kooban agaasimeyaal, Injineero iyo Madax qaybeedyo kasocda Wasaaradda Hawlaha Guud ee DFS ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay uga bilaabatay shirar iyo kulamo la xiriira aqoon iswaydaarsi dhanka kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta magaalaynta ah.

Inta wafdiga ka socda Wasaaradda Hawlaha Guud ay safarka shaqo ku joogaan Addis Ababa waxa ay shirar la yeelan doonaan madaxda hay’adaha dawliga ah.

Ugu horaytii wafdigu waxa uu booqday islamarkaana shir la yeeshay madaxda hay’adda maamulka waddooyinka ee Itoobiya.

Halkaas oo uu ku soodhoweyey agaasimaha guud ee haayadaasi waxaana la isdhaafsaday khibradda, mashaariicda socda iyo sidii loo wada shaqayn lahaa.

Dhanka kale Wafdiga kasocda Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta DFS oo uu hoggaaminaayo agaasimaha Guud ee Wasaaraddu waxa ay shir la qaateen Wasiirka Wasaaradda Magaalayta iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha ee dowladda Itoobiya Marwo Chaltu Sani iyo Wasiiru dowlaheeda Eng. Wabdimu Seta.

Shirka intii uu socday ayaa looga wada hadlay xiriirka iyo wada shaqaynta labada Wasaaradood iyadoo isdoo kalena halkaas la is dhaafsaday aqoon iyo waayo aragnimada howlaha horumarinta Magaalooyinka, Dhismaha Kaabayaasha dhaqaalaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post