828 Views

Kalluumeysato faa’iido badan ka sameeyay cabsida Cudurka COVID 19

Kalluumeysato faa’iido badan ka sameeyay cabsida Cudurka COVID 19
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  isiniin    , March 230, 2020 —Guud ahaan qaaradda Afrika, fayraska Corona ayaa culays ku keenay dhinacyo badan oo dhaqaalaha ah, waxaana joogsaday inta badan ganacsiyada. Balse waxaa jira dad ka faa’iiday cudurkan caalamka saameeyay.

 

Tusaale ahaan, ganacsatada kalluunka fresh-ka ah ee dalka Kenya ayaa faa’iido badan ka sameeyay baahidda ay shacabka u qabaan hilibkaasi cad, kadib markii la joojiyay kalluunkii laga soo dhoofin jiray Shiinaha.

 

 

 

Kalluumaysata xeebta Dunga ee harada Victoria ayaa waxaa si wanaagsan ugu kala socda ganacsigooda kalluunka. Sicirka kalluunka ee Dunga ayaa sare u kacay boqolkiiba 40 labadii todobaad ee la soo dhaafay, sababtuna waa fayraska Corona.

 

Waxaa yaraaday kalluunka laga soo dhoofin jiray dalka Shiinaha oo ah halka uu cudurka ka bilowday. Dadkuna waxa ay walaac ka qabaan iibsashada wax kasta oo uga yimaada dalkaasi, Labadaasi arimood ayaa sare u qaaday baahidda loo qabo kalluunka laga soo dabo harada.

 

“Kalluumaysata harada Victoria ayaa hadda ah kuwo faraxsan, sababtoo ah waxa ay helayaan macaamiil badan. Xeebta Dunga ayaa hadda ah meel ay aad usoo buux dhaafiyeen dadka ku nool magaalada Kisumu ee doonaya kalluunka fresh-ka ah, waayo dadka waxa ay cabsi ka qabaan kalluunka laga keeno Shiinaha fayraska Corona awgii,” ayuu Maurice Misodhi oo ah madaxa maamulka xeebta Dunga.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment