930 Views

Ciidanka booliska Soomaaliya oo soo xir xiray dhalinyaro isku abaabushay koox koox..

Ciidanka booliska Soomaaliya oo soo xir xiray dhalinyaro isku abaabushay koox koox..
____________________________________________________________________________

8-da Marso 2021

Wararka ka imaanaya degmada Karaan gaar ahaan xaafada Jamhuuriya ayaa sheegaya in  Ciidanka booliska Soomaaliya ay Howlgalo ka Sameeyeen halkaas ay ku soo qab qabteen ku dhowaad 150 dhalinyaro rag ah.

Wararka ayaa sheegaya in dhalinyaradaan ay isku abaabuleen Koox koox, kadib markii ay isku dagaaleen Garoonka lagu cayaaro Banooniga ee Salaxa, taasina ay keentay in ay u kala baxaan laba koox oo habeen kasta is tuuryeeya.

Dhibkaan ayaa waxa uu ka jiraa Xaafada Jamhuuriya waxaana la sheegay in uu soo taagnaa muddo ku dhow 60 cesho. Dhalinyarada ku nool xaafada Jamhuuriye ee degmada Kaaraan oo isku heesta Garoon kubada cagta ah ayaa u kala baxay laba koox, waxeyna billaabeen in ay ku dagaalamaan Weero ama tuuryo oo loo adeegsanayo dhagxaan lagu soo xiray xariga (waraf).

Sidoo kale dhalinyarada ayaa isu adeegsada Mindiyo, olal iyo agabyo kale. Dhalinyarada ayaa beegsanaya qofkii ka soo baxa xaafadba xaafada kale. Mararka qaar waxey dhag xeeyaan gaadiidka iyo guryaha, taas oo keentay in ay cabasho muujiyaan dadka degaanka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post