1455 Views

Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Boosaaso

Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Boosaaso
____________________________________________________________________________

 


Sabti: February 19, 2022

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta lagu wadaa inuu gaaro magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Bari.

Saciid Deni ayaa sida wararku sheegayaan Qardho kulamo kula yeelan doona mas’uuliyiinta Puntland iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada degmadaas.

Madaxweyne Deni ayaa la filayaa in uu u sii gudbo magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari halkaas oo lagu qabanayo doorashada 16 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya.

Sidoo kale guddiga hirgelinta doorashada heer Puntland ayaa laga sugayaa todobaadkan in ay soo saaraan jadwalka doorashada 16-ka kursi ee lagu qabanayo magaalada Boosaaso.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post