3555 Views

Baarlamaanka oo ka doodaya Hindise sharciyeedka saxaafadda

Baarlamaanka oo ka doodaya Hindise sharciyeedka saxaafadda
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 02 2015 — Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho ayaa kulankooda kaga hadli doono Hindise sharciyeedka Saxaafadda

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ah habdhowraha baarlamaanka ayaa sheegay in ajandaha kulanka uu yahay akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka saxaafadda oo akhrinta kowaad baarlamaanka horey u soo maray, kaasi oo dib loogu celiyay guddiga Warfaafinta ee baarlamaanka, kuwaasi oo maanta mar labaad baarlamaanka hor keeni doono, si uu u maro akhrinta labaad.

“Xildhibaannada waxa ay aragtidodoa ka dhiibayaan hindise sharciyeedka saxaafadda, waxaana markii ay soo gabo gabowdo guddiga Warfaafinta looga fadhiyaa inay uruuriyaan aragtida Xildhibaannada si ay wax ka badal ugu soo sameeyaan ama ay ku soo daraan tallooyinka Xildhibaannada, taasi oo ugu dambeyn mari doono akhrinta saddexaad” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in kalfadhiga 7aad ee baarlamaanka ay horyaalan sharciyo muhiim u ah geedi socodka sanadka 2016-ka, isagoo xusay in mudanayaasha ay xoogga saari doonaan meel marinta sharciyada muhiimka ah.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment