1482 Views

Cabsi laga qabo in dagaal loo adeegsado hubka Nukliyeerka uu dhexmaaro Pakistaan iyo Hindiya

____________________________________________________________________________


Axad: December 19, 2021

Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan ayaa sheegay in haddii Hindiya ay weerar cirka ah ku qaaddo dalkiis Pakistan, loogu jawaabi doono tallaabo la mid ah midda ay qaaddo.Wareysi uu siiyay telefeshinka laga leeyahay dalka Qatar ee Al-Jazeera, ayaa Imran Khan wuxuu ku yiri, “Haddii xukuumadda Hindiya ay sidaa sameyso, markaas waxaan ka baqayaa in labada quwadood ee Nukliyeerka ah ay is wajahaan”.

Imran Khan wuxuu sheegay haddii Xisbiga BJP ee dowladda Hindiya uu ku kaco fal weerar ah ay arrintaas ka dhalan karto cawaaqib xumo daran oo saameyna yeellata. Dadka dalka Hindiya ayuu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa wax walba fahmaya, balse dowladda xukunta ayuu ku tilmaamay mid xagjir ah.

Mar uu ka hadlayay Kashmir qeybta ay Hindiya maamusho ayuu sheegay in xaaladdu ay la mid tahay xabsi. Sideed milyan oo reer Kashmiir ah ayaa lagu qasbay inay ku noolaadaan xabsi furan iyadoo dadkaasi cabsi ka qabaan ciidamada.

Ra’iisul wasaare Imran Khan ayaa waraysiga uu bixiyay sidaan ku sheegay “Waxa aanu golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbinay arrinta Kashmir, balse waddan kasta oo Islaam ah waxa uu xiriir gaar ah la leeyahay Hindiya, sidaas darteed wax badan kama sugi karno iyaga, laakiin Pakistan ayaa waajib ka saaranyahay. Waxaan sii wadi doonaa inaan kor u qaadno codkayaga Kashmir”. Wuxuu intaa raaciyay in goob kasta uu ka sheegi doono arrinta Kashmiir.

Mar wax laga waydiiyay arrinta Afghanistan, ayuu sheegay in dadka dalkaasi ay wajahaan xaalad xun oo gaajo ah isaga oo tilmaamay inay tahay in dalka Mareykanku uu caawiyo shacabka Afghanistan.”Ma fahmin waxa uu Maraykanku rabay in uu ka gaaro Afgaanistaan, 20 sano ayay dalka ku haysteen magaca waxa loogu yeero dagaalka ka dhanka ah argagixisada” ayuu yiri Imran khan.

Pakistan waxay haysataa bambaanooyinka nukileerka in ka badan kuwa Hindiya.

Tirada bambaanooyinka nukliyeerka ee Hindiya iyo Pakistan ayaa ayaa kordhayay tobankii sano ee ugu dambeeyay iyadoo sanadihii la soo dhaafay ay Pakistan soo saartay bambaanooyin nukliyeer ah oo ka badan kuwa ay Hindiya soo saartay.

Machadka caalamiga ah ee cilmi baarista nabadda ee Stockholm, oo ah hay’ad Swedish ah oo falanqeysa heerka hubka adduunka iyo amniga caalamka ayaa hadalkana kus heegtay warbixin ay soo saartay sanadkii 2019-kii.

Shannon Kyle, oo ah agaasimaha xakameynta hubka iyo barnaamijka ka hortagga hubka ee machadka, ayaa BBC-da sheegay in wax soo saarka guud ee hubka Nukliyeerka uu hoos u dhacay, balse uu ku sii badanayo Koonfurta qaaradda Aasiya.Waxa uu yiri “Sannadkii 2009-kii, waxa aanu u sheegnay in Hindiya ay haysato 60 ilaa 70 bam oo nukliyeer ah, wakhtigaas Pakistan waxa ay haysatay ilaa 60 bambaanooyin nukliyeer ah, laakiin tobankii sano ee la soo dhaafay labada dal waxay laba jibbaareen tirada bambaanooyinka nukliyeerka “. Shannen Kyle ayaa sheegay in Pakistan ay hadda haysato bambaanooyin nukliyeer ah oo ka badan kuwa Hindiya. “Marka la eego xogta laga helayo ilo kala duwan, waxaan dhihi karnaa Hindiya hadda waxay haysataa 130 ilaa 140 bambaanooyin Nukliyeer ah, halka Pakistan ay haysato 150 ilaa 160 bam Nukliyeer ah”ayuu hadalkiisa raaciyay.

Pakistan iyo Hindiya oo ah dalal daris isla markaana haysta hubka sida ba’an wax u gumaada ayaa muddo waxaa ka dhex aloosan colaad waxaana inta badan mas’uuliyiinta labada dal ay is dhaafsadaan hadallo qalafsan oo midba midka kale ug jawaabayo iyadoo Hindiya sanadkii 2019-kii weerarro xagga cirka ah ku qaadday saldhigyo ay kooxo fallaago ah ku leeyihiin gudaha Pakistan,toddobaadyo kadib markii weerar ismiidaamin ahaa uu ka dhacay gobolka lagu muransan yahay ee Kashmiir, arrintaas ayaana sare u sii qaadday cabsi laga qabay xiligaas inuu dagaal dhex maro waddamadan ku yaalla Koonfurta qaaradda Aasiya.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post