252 Views

Madaxweynaha Ukraine “ Waan difaaci doonaa shacabka ku nool dhulka uu Ruushka qabsaday

Madaxweynaha Ukraine “  Waan difaaci doonaa shacabka ku nool dhulka uu Ruushka qabsaday
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 28, 2022

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay inay difaaci doonaan shacabka ku nool dhulka uu Ruushka qabsaday xilli xukuumadda ay qarka u saaran tahay inay goosato dhulkaas.

“Waan difaaci doonaa dadkayaga ku nool gobollada Kherson, Zaporizhzhia iyo Donbas gaar ahaan dhulka dhawaan la qabsaday ee Kharkiv iyo Crimea” ayuu yiri Zelensky oo muuqaal soo dhigay barta Telegram-ka.

Waxaa jiraa walaaca ku saabsan in Ruushka uu goosanayo afar gobol, arrintaas oo xaaladda uga sii dari karto xilli xukuumadda Moscow ay ku hanjabtay inay adeegsan doono hubka halista ah waa mustaqbalka la beegsado deegaannadan.

Zelensky wuxuu Talaadadii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey u sheegay in uusan Ruushka kala hadli doonin aftida.

Wuxuu sheegay in Ruushka uu dadka u hanjabyo isla markaana uu ku khasbayo inay buuxiyaan warqadaha aftida .

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post