759 Views

Afhayeenka Xukuumada oo ka hadlay halka uu ka dhacayo kulanka galabta ee Golaha Midowga Musharaxiinta iyo Raisal Wasaaraha..

Afhayeenka Xukuumada oo ka hadlay halka uu ka dhacayo kulanka galabta ee  Golaha Midowga Musharaxiinta iyo Raisal Wasaaraha..
____________________________________________________________________________

Mar: 1/3/2021

Waxaa soo kordhaya rajada laga qabo kulanka galabta ee magaalada Muqdisho ku yeelan donaan Ra’isul Wasaaraha Xil gaarsiinta Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa bartiisa Faceboook soo dhigay halka uu ka dhacayo Kulanka galabta ee Ra’isul Wasaaraha iyo Golaha Midowga Musharaxiinta.

”Si loo sii dhameystiro heshiiskii 25kii Febraayo, Ra’isul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa galabta kula kulmaya Hotel Decale Midowga Musharraxiinta. Xukuumaddu wax ay dadaal dheeri ah ku bixinaysaa sidii ay ula fariisan laheyd cid walba oo ka aragti duwan si dalka uu doorasho u galo.” ayuu yiri Macalimuu.

about:blank Sidoo kale Kulanka dhax maraya Ra’isul Wasaare Rooble iyo Musharaxiinta mucaaradka ayaa looga hadli doonaa dhameestirka heshiiskii khamiistii dhax maray, iyaga oo sidoo kale kawada hadli doono sida xal looga gaari karo khilaafka doorashada ka taagan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post