1257 Views

Sawiro:-Maamulka Gobolka Banaadir oo xalay sameeyay howlo burburin ah

Sawiro:-Maamulka Gobolka Banaadir oo xalay sameeyay howlo burburin ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 11, 2019 —Ciidamada Ilaalada deegaanka iyo Waaxda Nadaafada Dowladda Hoose ee Maamulka Gobolkan Banaadir ayaa xalay waxaa ay siwadajir ah howlo burburin iyo nadaafad ah uga sameeyeen goobo Ganacsi oo ku yaalla wadada Maka-Almukarama ee Magalada Muqdisho.

 

Howlaha burburinta ayaa waxaa sigaar ah looga sameeyay Hareeraha wadada Maka-Almukarama,waxaana Ciidamada Ilaalada deegaanka ay burburiyeen Sandaqado iyo miisas yaryar oo dad ay Ganacsiyo ka sameysteen,waxaana Maamulka Gobolka Banaadir uu sheegay inay sharci darro tahay ku Ganacsiga hareeraha Wadada.

 

 

 

Intii ay socdeen howlaha burburinta ayaa waxaa halkaasi tegay guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Eng Yariisow,isaga oo sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu doonayo dib u soo celinta bilicda Caasimadda.

 

Gudodomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdirxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in laga bilaabo km4 ilaa Ex-Koontorool Afgooye ee wadada Maka Almukarama ay tahay sharci darro in wadada laamiga ah qeybo ka mid ah lagu Ganacsado.

 

Waxaa uu sheegay in Ganacsiga iyo wasaqda ka dhalata ay keeni karto nadafaad darro iyo cuduro kala duwan,waxaana Duqa Muqdisho Eng Cabdirxmaan Cumar Cismaan Yariisow uu digniin u diray dadka ku Ganacsada hareeraha Wadada Maka Al-Mukarama oo qaarkood Ganacsigooda soo geliyay qeyb ka mid ah wadada.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment