675 Views

Deni oo kula la yeeshay guddiga dhismaha dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

Deni oo  kula la yeeshay guddiga dhismaha dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.
____________________________________________________________________________

Jimco: August 13, 202

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xarunta madaxtooyada Garoowe kulam kula yeeshay guddiga dhismaha dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

War kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Kulanka looga hadlay dhameystirka wejiga koowaad ee dhismaha dekadda Garacad.

Sida warka lagu sheegay, kulanka waxa sidoo kale looga hadlay in degaanka Gacarad laga hawl-geliyo hay’addaha dowladda, si loo gaarsiiyo mashaariicda horumarineed.

Dhismaha dekedda Garacad oo ku socda hab isku-tashi ah, ayaa meel wanaagsan maraya, waxaana la doonaya in halkaas laga hirgeliyo deked ganacsi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post