918 Views

Wasiirka Gargaarka, Maareynta iyo Musiibooyinka Xukuumadda xilgaarsiinta Khadiijo Diiriye oo gaartay Baydhabo

Wasiirka Gargaarka, Maareynta iyo Musiibooyinka Xukuumadda xilgaarsiinta Khadiijo Diiriye oo gaartay Baydhabo
____________________________________________________________________________

April 21-2021

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa gaaray wafdi ka socday dowladda Federaalka oo ay hoggaamineysay Wasiirka Gargaarka, Maareynta iyo Musiibooyinka Xukuumadda xilgaarsiinta Khadiijo Diiriye.

Wafdigaan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Baydhabo ee Shaati gaduud kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana intaas kadib loo galbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyada.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ujeedka wafdiga ay hoggaamineyso Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye uu yahay sidii Maamulka Koonfur Galbeed ugu wareejin lahaayeen Deeq gargaar ah oo loogu tala-galay in gaarsiiso dadka dhibaateysan ee halkaas kunool oo ay saameeyeen abaaraha.

Sidoo kale wafdigaan ayaa kulan la qaatan doona inta ay ku sugan yihiin Magaalada Baydhabo Madaxweynaha Maamulka Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, iyagoona kala hadli doona xaaladda deegaanada Maamulka ee dadka dhibaateysan.

Deegaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay xaalad adeg ay ku heysatay qoysas danyar ah, kuwaasi ah oo xiligaan u baahan in la gaarsiiso gargaar.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post