1173 Views

Shir Saxaafadeedkii Wasiirka Arrimaha dibadda oo baaqday

Shir Saxaafadeedkii Wasiirka Arrimaha dibadda oo baaqday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 03, 2019—Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa baajiyay Shir Saxaafadeed lagu waday in 2:00 ee maanta uu ku qabto Xarunta Wasaaraddaha Arrimaha dibadda Soomaaliya.

 

Xafiiska Wasiir Cawad ayaa laga wacay Saxaafadda maanta waxaa ugu dambeyntii lagu wargaliyay in uu baaqday Shirkii Jaraaid ee Wasiirka, islamarkaana laga dhigay Waqti kale oo aan la shaacin.

 

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Wasaaradda Arrimaha dibadda ay saari doonto War Murtiyeed ay kaga hadleyso Arrimaha Kenya, waxaana sidoo kale soo baxaya Warar sheegaya in Wasiirka uu Caddaadis kala kulmay Madaxda Sare ee dalka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment