1533 Views

Wasiiru Dowlaha Waxbarashada”Waxaan Dib U Soo Celinaynaa Shuruucdii Waxbarashada

Wasiiru Dowlaha Waxbarashada”Waxaan Dib U Soo Celinaynaa Shuruucdii Waxbarashada
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | November 23, 2018–Wasaradda Waxbrashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa sheegtay in Wasaaradda ay ka shaqeyneyso sidii ardeyda Soomaaliyed ay u heli lahaayeen Waxbrasho tayo leh.

Wasiiro Dowlaha Wasaaradda Waxbrashadda Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” aya sheegay in ay dhawaan sameyn doonaan guddi taclinta sare ah oo qiimeyn rasmi ah ku sameyn dona tayada tacliinta dalka iyo sidii loo wanaajin  lahaa Waxbarashadda Dhalinyaradda Soomaaliyeed.

“Masuuliyadda gaar ah oo nasaaran waxaa ay tahay in ardayga Soomaaliyeed hello  Waxbarasho tago leh taasna waxaa looga shaqeyn karaa in aan helno Sharuucdii Waxbarashadda dalka taasna waxaa tahay mid aan dhamaanten kawada shaqeyneyno muhiimad gaar ah ayeyna inoo leedahay taas” Sidaas waxaa sheegay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda.

Sidoo kale Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda Waxaa uu sheegay in Macalinta Waxbaraya Ardayda Soomaaliyeed laga doonayo in uu soo buuxiyo dhamaan Sharuudihii looga baahnaa Macalin.

Wasaaradda Waxbarashadda ayaa dadaal ugu jirta siddii loo sameyn lahaa dhamaan Sharciyadii Waxbarasho ee dalku lahaa.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho—–

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment