624 Views

Qarama Midoobay oo war ka soo saartay xaaladda abaarta Geeska Afrika

Qarama Midoobay oo war ka soo saartay xaaladda abaarta Geeska Afrika
____________________________________________________________________________

Talaado: February 8, 2022

 Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada adduunka ee WFP ayaa sheegtay in 13 milyan oo qof oo ku nool Geeska Afrika ay soo food saartay gaajo daran, taasi oo ay sababta abaaraha ba’an ee ka jira deegaanka.

In kabadan 10 milyan oo qof oo ku nool dallalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ayaa wajahaya Gaajo daran, xili gobolka Geeska Afrika laga diiwaan galiyay roob la’aantii ugu darnayd tan 1981.

Soomaaliya oo kaliya dad ka badan 5 milyan oo qof ayay saameeyeen abaarraha ku dhuftay, waxana laga dayrinyaa xaaladda dadka ku barakacay waxyeelada ay geysatay.

Hay’adda WFP ayaa codsanaysa $327m oo doollar si wax looga qabto abaarta ka jira gobolka. Gargaar degdeg ah haddii aan la helin, hay’adda WFP waxay ka digtay in dhibaato bini’aadantinimo ay lama huraan noqon doonto.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post