1128 Views

Amar laga soo saarey Amniga deegaannada hoostaga Dhuusamareeb

Amar laga soo saarey Amniga deegaannada hoostaga Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Khamiis   , March 12, 2020 —Taliska Guud ee Booliska Dowlad goboleedka Galmudug ayaa soo saarey amar la xiriira dhinaca Amniga,kaas oo lagu mamnuucey in hub aan aheyn kan laamaha amniga lagu dhex qaato Deegaanada hoostaga Magaalada Dhuusamareeb.

 

Amarkaan oo la ogeysiiyey dhamaan laamaha amniga & Ciidamada kala duwan ee ka howlgalla deegaannada hoostaga Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay in lala wareegayo hubkii laqabto inta lagu guda jiro howlgalada la xiriira dhinaca amniga,isla markaana aan dib loogu celinaynin Dadka laga qaado.

 

 

 

Sidoo kale waxaa digniin loo direy dadka hubka sharci darrada ah ku dhex qaata deegaananda hoostaga Magaalada Dhuusamareeb,iyada loo sheegay in cidii hub lagu qabto sidoo kale ay muteysan doonto xarig Saddex bilood ah oo aan cafis laheyn.

 

Ugu dambeyn,iyada oo amarkaan la fulinayo ayaa dhamaan taliyeyaasha Ciidamada sida,Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Galgaduud,kan dhuusamareeb iyo taliyeyaal kale waxaa ay kormeer ku tageen deegaannada Mareergur, Shimbiraale , Tagaabeeye iyo Mirig.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment