879 Views

Midowga Yurub oo diiday Muddo kordhinta baarlamaanka kuna hanjabay tilaabo dheeri ah

Midowga Yurub oo diiday Muddo kordhinta baarlamaanka kuna hanjabay tilaabo dheeri ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 13 2021–Ururka Midowga Yurub ayaa si adag uga soo horjeestay tilaabadii sharci darada aheyd ee shalay ay qaadeen baarlamanka Soomaaliya ee Muddo kordhinta labada Sano ah loogu sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

Midowga Yurub waxay ku baaqeen  in si deg deg ah loogu laabto wadahadalada ku saabsan qabsoomida doorashooyinka iyadoo aan dib loo dhigin iyadoo lagu saleynayo heshiiskii Sebtember 17. Haddii taa la waayo, Midowga Yurub wuxuu tixgelin doonaa tallaabooyin dheeri ah oo la taaban karo.

Warka kasoo baxay Midowga Yurub ayaa sidaan u qornaa:

Shalay, Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu u codeeyay in si-dhab ah loo kordhiyo waqtiga Madaxweynaha iyo dowladda Federaalka labo sano kadib ciriiriga ku yimid geeddi-socodka doorashooyinka oo ay ahayd in la soo afjaro ugu dambeyn 8da Febraayo 2021. Tallaabadani waxay wiiqaysaa dadaal dheer, oo ay taageereen EU iyo beesha caalamka, si dib loogu dhiso Soomaaliya iyada oo loo marayo is afgarad.

Beesha Caalamka, oo ay ku jiraan Midowga Yurub, waxay si isdaba joog ah oo cad u muujiyeen inaanan sinnaba u aqbali karin in waqtiga loo kordhiyo dowladda, ama mid uun ama habraac kasta oo la mid ah oo la xiriira doorashooyinka, iyadoo aan la helin heshiiskii dhinacyada heshiiskii doorashada ee 17 Sebtember.

Midowga Yurub wuxuu rumeysan yahay in meel marinta iyo saxiixa qaraarkan ay kala qeybin doonaan Soomaaliya, soo rogi doonaan dib u dhacyo dheeri ah isla markaana ay khatar weyn ku tahay nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya iyo deriskeeda. Xaqiiqdii uma adeegayso danaha dadka Soomaaliyeed.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post