660 Views

Waxaa markale fashilmay jadwalkii ay soo saareen Guddiga lagu muransanyahay ee doorashooyinka!

Waxaa markale fashilmay jadwalkii ay soo saareen Guddiga lagu muransanyahay ee doorashooyinka!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 14, 2021—Waxaa marka kale dib u dhac ku yimid jadwal doorasho oo ay soo saareen Guddiga doorashada dadban ee heer Federaal, kaas oo ay ku qeexneed xilliga loo qorsheeyay in ay dhacdo codaynta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga lagu muransan yahay ayaa horay waxa ay u soo saareen jadwal doorasho 23-kii bishii December 2020, waxaana jadwalkaas uu dhigayay in Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ay soo saaraan 29 December Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare, isla markaana 31 December 2020 illaa 6 Janaayo 2021 ay ku dhacdo doorashada Aqalka Sare.

Intaas kaddib waxaa uu Guddiga soo saaray jadwal labaad taariikhda marka ay aheyd 29 December, waxaana uu markaas uu sabab uga dhigay is bedelka ku yimid jadwalka codsi uga yimid Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug oo ka dalbaday in waqti la siiyo muddo dib loo dhigo.

Waxaa uu Guddiga qaatay codsiga, isagoo soo saaray jadwal labaad, kaasoo xeerinayay in doorashada Aqalka Sare ay dhacdo 7-14 Janaayo 2021, iyadoo maanta ay ku egtahay, hayeeshee waxyaabahaas aan waxba ka qabsoomin.

Illaa iyo hadda ma dhaqan gelin jadwalka iyo habraacyadii uu guddigan soo saaray,waana jadwalkii labaad oo fashilma, sababo la xiriira is mari waaga ka taagan Hirgelinta hannaanka doorashada oo ay isku hayaan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland.

Xukuumadda Federaalka ayaa dhowaan shaacisay in doorashada la guda galayo, kaddib shir ay isugu yimaadeen Madaxda dowladda Federaalka iyo saddexda dowlad goboleed ee siyaasad ahaan u janjeera dowladda Federaalka, sida Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post