447 Views

Xal laga gaaray caqabado ku hor gudbanaa dhammaystirka doorashadii 3 degmo

Xal laga gaaray caqabado ku hor gudbanaa dhammaystirka doorashadii 3 degmo
____________________________________________________________________________


Arbaco: March 23, 2022

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay in maalmaha soo socda la fariisinayo golayaasha degaanka saddexdii degmo ee doorashada qof iyo cod laga qabtay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay qorsheenayaan in la fariisinayo golayaasha degaanka saddexdii degmo ee doorashada qof iyo cod laga qabtay.

Wasiirka ayaa hadalkaan ka  jeediyay xarunta cilmi-baarista P.D.R.C ee Magaalada Garoowe, isagoo sheegay in hadda la xalliyay caqabado yar yar oo dib u dhigay dhammaystirka doorashadii saddexda degmo.

Ugu dambeyn, Wasiir Dhabancad ayaa tilmaamay in doorashadii saddexda degmo ee qof iyo codka ahayd mid qurux badan oo si hufan u qabsoontay kadib markii dowladdu u madax-bannaysay guddiga KMG doorashooyinka Puntland ee TPEC.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post